Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 4 December 2012 23:01

Dhaawacii loo gaystay Taliyihii Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka // Faahfaahin

Muqdisho (KON) - Gen. Cali Xirsi Barre Cali gaab ayaa maanta dhaawac dhinaca Lugta ah ka soo gaaray Rasaas lagu riday Xilli uu waajibkiisa gudanayay.

Teaser Image Dhaawacii loo gaystay Taliyihii Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka // Faahfaahin

Col. Muxyiddiin baashaal oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada nabadgellyada Wadooyinka oo war baahinta qaar hadal siiyay ayaa sheegay in Taliyaha ay rasaas ku rideen Koox uu ku sheegay Bur cad waa siduu hadalka u dhigaye.

Koneelka ayaa hoosta ka xarriiqay in Raggii falkaas ka danbeeyay gacanta lagu soo dhigay haatana lagu hayo Xarunta CIDa Muqdisho halkaasoo Kiiskooda lagu baarayo.

Wararkaas kuwaas ka bedaln ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka nabadgelyada Waddooyinka uu xabad ku riday Askeri ka tirsan Ciidanka dawladda sidaasna uu ku dhaawacay in kastoo aan la xaqiijin sababta dhabta ah ee ka danbeysa Toogashada uu Sskerigu la beegsaday Cali gaab

Dhaawaca taliyaha ayaa la dhigay isbitaalka daaru Shifa halkaasoo iminka lagu dabiibayo.

Saraakiil u hadashay Isbitaalka ayaa sheegay in dhaawaca taliyuhu uu yahay mid aad u fudud isla markaana la filayo in dhawaan Isbitaalka laga saaro.

Gen Cali gaab ayaa ah Taliye u shaqeeya sida Askarta oo kale iyadoona lagu arko inta badan Waddooyinka magaalada isagoo dhiniciisa ka hagaya  Gaadiidka kal duwan isla markaa Siirigiisa gacanta ku haysta.

Si kasta taliyahan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka tirsan Ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo lagu dhaawaco gudaha magaalada Muqdisho xilli Ciidamada nabadgelyada waddooyinka ay ka wadaan magaalada Muqdisho hawl galo badan oo taarggo iyo Leesin baaris ay ka mid tahay.

Wadanka

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top