Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 24 March 2012 11:19

Dhalinyaro lagu eedeeyay Shabaabnimo oo Amisom ey xirxirtay

Muqdisho (Keydmedia) - Taliska Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen AMISOM iyo Ciidamada dowladda KMG ah in lagu soo qabtay afar nin oo dhallinyaro ah, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin maleeshiyada al-Shabaab.

Teaser Image Dhalinyaro lagu eedeeyay Shabaabnimo oo Amisom ey xirxirtay

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in raggan oo la rumeysan yahay inay al-Shabaab ku biireen Sanadkii hore laga soo qabtay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, waxaana lagu eedeeyay inay weerarro ku soo qaadi jireen fariisimaha ciidamada dowladda KMG ah iyo AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah Muqdisho.

Magacyada dhallinyarada lasoo qabtay oo lagu sheegay Cabdulqaadir Cabdul oo ahaa horjoogaha xabsi ay al-Shabaab lahaayeen, Cabdifataax Mukhtaar Maxamed, Ciise Faarax iyo Cabdul Ayaanle Maxamed ayaa waxaa lagu qabtay hub isugu jira qoryaha daran-doorriga u dhaca, waxyaabaha qarxa iyo rasaas.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Major General  Fred Mugisha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada DKMG si loo hubiyo ammaanka caasimadda Muqdisho.

Tan iyo toddobaadkii hore howlgallo ay AMISOM ka fulisay Muqdisho ayaa waxaa lagu soo xiray 50 qof oo al-Shabaab ka tirsanaa, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top