Kooxda Shabaab oo Dhaliyaro xeebta Kismaayo ku dubaalaneysay Karbaashay
Kismaayo (Keydmedia) - Maleeshiyaadka Shabaabka ee ka taliya Magalada Kismaayo ee xarunta Gobbolka Jubbada Hoose ayaa Galabta Xeebaha Magalada Kismaayo waxaa ay ka sameeyeen howlgalo ay ku soo qab qabteen tiro dhalinyara ah kuwaasoo ciyaarayay Kubadda Cagta.
Dhalinyarada ay Galabta Soo qabteen iyagoo dheelaya Kubadda Cagta waxa ay ku karbaasheen Beerata Xoriyada ee bartamaha Magaalada Kismaayo.
Ninka lagu magacabo Sheekh Xasan Cade oo sheegta inuu yahay Taliyaha Ciidamada amaanka Kismaayo ee Shabaabka waxaa uu sheegay in ilaa 25 dhalinyaro ay Galabta soo qabteen kuwaasoo uu ku eedeeyay inay u hogaansami waayeen amaro ay Shabaabku kol hore ay soo saareen, waxaana uu sheegay inay karbaasheen dhalinyaradaasi isla Galabta si aysan mar dambe ugu noqonin waxa laga reebay.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobbolka Jubbada Hoose waxaa ku yaala ilaa Sadex Xeebood oo Kubadda cagta lagu ciyaaro kuwaasoo kala ah, xeebta Callaley, Xeebta Liido, iyo Xeebta Ceel-caafimaad, inta badan dhalinyaradii Xeebahaasi u soo dabaalasho tagi jiray Kooxda Shabaabka ayaa u hanjabay.
Keydmedia.net - Xafiiska Kismaayo
More News
- Kulankii London oo Daqiiqado ka hor Furmaya
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.