Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Saturday 4 January 2014 07:00

Dilal kala duwan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (KON) — Labo Qof, oo Rayid ah ayaa Siyaabo kala duwan loogu dilay 24-Saac ee lasoo dhaafay Gudaha Magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Teaser Image Dilal kala duwan oo ka dhacay Muqdisho

Dilka ugu horeeya, ayaa waxa uu ka dhacay Degmada aan Xaaladeeda deganayn ee Dayniile, halkaasi oo Kooxo hubaysan ay Xalay ku toogteen Nin Magaciisa lagu sheegay Ciise Cali.

Dadka Deegaanka, ayaa sheegay in Labo Nin oo Bastoolado watay ay ku dileen Marxuumka Saacada markii ay ahayd 8-da Habeenimo, Saaladii Cishaha kadib Xaafadda Ciise Cabdi,iyadoo kuwii dilka geestay ay Goobta isaga baxsadeen.

Inkastoo aan la ogeyn Sababta loo dilay Ciise Cali, ayaa Wararku waxa ay sheegayaan in Marxuumka uu ahaa Ganacsade Mobile-da ku iibiya Suuqa Xamarweyne, ee Gobolka Banaadir,halkaasi oo Dowladda ay degentahay.

Kooxda Al shabab, oo ku xoogan Degmada Dayniile, inta badana halkaasi Dilalka Noocan oo kale ka fulisa, ayaa loo malaynayaa in ay Dilkan ka danbayso.

Dilka 2-aad, ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Dharkenley, waxaana Degmadaasi Xalay lagu dilay Qof Rayid ah oo Dadka Deegaanka kamid ahaa.

Goobjoogiyaal, ayaa sheegay in Rag ku lebisnaa Tuutaha Ciidamada DFS ay dilka ka danbeeyeen,kuwaasi oo rabay in ay Mobile-ka ka dhacaan Marxuumka, oo Magaciisa lagu sheegay Cali Shiine.

Raga Dilka geestay ayaa Xalay Wiilka ku amreen in uu dhiibo Talphone-kiisa, balse waxaa la sheegay in uu ka dhega adeegay,taasina ay keentay in Burcadda ay toogtaan Marxuumka, kadibna Mobile-ka ay ka qaateen.

Dadka Deegaanka, ayaa sheegay in Ragga Dilka fuliyay ay ka tirsanyihiin Ciidamada Militariga DFS ee ku sugan Saldhiga ku yaalla Xaafadda Xoosh, oo Mudooyinka Dhibaatooyin kala duwan Dadka ay ku hayeen.

Keydmedia Online — Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top