Documenti sir ah oo ku saabsan Boobka Hantida Qaranka - Xog!
Muqdisho (Keydmedia) - Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey ay soo ifbaxayeen khilaaf ba’an oo u dhaxeeya Maareeyaha guud ee Dekedda Muqdisho Sayid Cali Macalin Cabdulle iyo Wasiirka Dekeddaha iyo gaadiidka Badda Aadan Cabdullaahi Aadan ayaa waxaa soo shaacbaxay sababta ka dambeysa khilaafkan.
Waxaa soo shaacbaxay Documenti uu Wasiirka Dekedduhu u saxiixay kooxo ganacsatado ah kuwaasoo doonaya inay si aan sharciga waafaqsaneyn ula wareegaan Biro nooca lagu dhiso marsooyinka ay maaraakiibta kusoo xirtaan balse ay ugu magacdareen iskaraab ama (Crap Metal).
Maareyaha Dekedda iyo kuxigeenadiisa ayaa ku adkeystay inaan la rarin Birahan oo faa’iido weyn u leh Dekedda iyo Qaranka Soomaaliyeedba, waxayna wacad ku mareen in aaney ogolaan doonin in la boobo Hantida Qaranka inta ay xilka ka hayaan Dekedda.
Wasiirka ayaa 17-kii bishan Janaayo 2012 waxa uu u saxiiay shirkadda Al-Shuwieb Star General Tradinga Company oo ay leeyihiin kooxo ganacsato ah inay qaataan Birahaasi dhex yaala mudadii 20-ka sano aheyd ee la soo dhaafay gudaha Dekedda Muqdisho iyo weliba Markab ku burburay xeebta Dekedda kaasoo siday dhuxul, waxaana qiimaha lacageed ee Birahan lagu qiyaasay 5 Milyan oo Dollar.
Wasiirka Aadan Cabdullaahi Aadan iyo kuxigeenkiisa C/raxmaan Kulmiye C/dheere oo gacan ka helaya Agaasimaha Xafiiska R.wasaaraha Burhan Warsameh ayaa ku guuleystay inay ka dhaadhiciyaan Raysalwasaare Cabdiwali Muxamed Gaas qorshahan loogu ogolaanayo isbaheysigan ganacsatada iyo mas’uuliyiinta dowladda isugu jira ee ah in la iibsado Biraha Iskaraabka loogu magacdarey ee dhex yaala Dekedda Muqdisho.
Sida ku xusan Documentiga sirta ah ee la helay warqada Wasiirka ayaa tixraaceysay warqad ka soo baxday taariikhdu markay aheyd 05-01-2012 xafiiska R/wasaaraha oo loogu ogolaanayay ganacsatadan inay qaadan karaan Birahaas, inkastoo aysan inoo suuragelin inaan helno warqadaas.
Arrintan ayaa waxaa sidoo kale, Bansiinka ku sii shubaya ninka lagu magacaabo Wataac oo xariif ku ah musuq maasuqa iyo wax isdaba marinta Canshuuraha dekedda, isla markaana ku hamiweyn mar uun inuu noqdo maareeyaha Dekedda iyadoo si weyn loogu xasuusto xilligii xukuumada Tayo ee R/wasaare Farmaajo inuu xilka ka qaaday Wataac oo ahaa madaxa Waaxda Sheegashada, sidoo kale waxaa arrintan dabada ka riixaya ninka lagu magacaabo Injineer Caddow Cali Gees oo isaguna xiriir leh Burhaan Warsameh iyo Wataac oo ay xulufo ku yihiin wax is daba marinta.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshahan haddii uu hirgalo Burhaan Warsameh loo balanqaaday in la siinayo 100,000 (Boqol kun Dolaar), weliba warar horudhac ahi sheegayaan in loo hormariyay 40,000 Afartan kun Dolaar.
Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Raysalwasaare Cabdiwali Muxamed Gaas oo ah nin Economist ah isla markaana balanqaaday inuu la dagaalamayo Musuqmaasuqa uu ogolaado qorsheyaal ceykan oo kale ah oo lagu dhacayo hanta Qaran.
Wasiirka Dekeddaha ayaa aad uga xumaaday is hortaaga Maareeyaha Dekeda uu ku sameeyay wuxuuna maanta wasiirku soo qoray warqad uu shaqada uga fariisinayo maareeyaha Dekedda Sayid Cali, inkastoo haddana uu dib uga laabtay markii uu ogaaday in aysan sharciga waafaqsaneyn shaqo ka fariisintiisu.
Arrintan ayaa haddii aysan wax ka qaban Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha waxay noqon doontaa musiibo ku timaada maamulka iyo maareynta Dekedda oo haatan soo hagaagtay sidii loogu dhiibay maareeyahan hadda xilka haya, isaga oo la dagaalamay dhamaan falalkii musuq maasuqa iyo wax is daba marinta ahaa ee ragaadiyay Dekedda.

Maxamed Cabdi Goobe
.(JavaScript must be enabled to view this email address)
More News
- Kulankii London oo Daqiiqado ka hor Furmaya
- Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay
- Amisom oo loo fasaxay iney Deegaan walba weeraraan & Ciidanka oo la Kordhiyay
- Kooxda Shabaab oo ka baxeen Baydhabo
- Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.