Dowlada kenya oo ciidamo dheeraad ah u soo diraysa Soomaaliya
Muqdisho (KON) Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Baki oo si weyn u amaanay howlgalka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka Soomaaliya,waxaana uu ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan taageerada Malitari ay u fidinayaan xukuumada Soomaaliya.
Mwaki Baki Madaxweynaha Kenya oo shacab badan oo Kenyaan ah ka hor hadlayay Maalintii shalay ayaa sheegay in wadankiisa uu sii kordhin doono ciidamada Malitariga uu u soo dirayo Soomaaliya si ay qeyb kaga noqdaan nabad ku soo dabaalida Soomaaliya.
Wuxuu sheegay Kibaki in kuwa haatan Soomaaliya ku sugan meel wanaagsan howshooda ay mareyso,islamarkaana ka qeyb qaateen sidii gobolo badan ay ku soo celin lahaayeen gacanta dowlada Soomaaliya,isagoona intaasi raaciyay inaysan marnaba joojin doonin taageerada hagar la'aaneed ay ku caawinayaan shacabka iyo xukuumada Soomaaliyeed.
Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM,ay qeyb ka yihiin dagaalada looga soo horjeedo Al-shabaab,islamarkaana la wareegay magaalada Kismaayo sanadkii la soo dhaafay halkaasi ay ku xooganayeen Al-shabaab.
Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.