Dowlada Soomaaliya oo Mamnuucday shir muhiim ah oo Muqdisho ka dhici lahaa
Muqdisho (KON) - Dowlada Soomaaliya ayaa joojisay shir looga hadli lahaa xaquuqu aadaha oo maanta lagu qaban lahaa Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaraha ee Adan Cade.
War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan la socon waxbana ka ogeyn abaabulka iyo Ajandaha shirk ay qabanqaabineyso Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka oo kaashaneysa NGOs.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidan.
Sida ku cad dastuurka Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Soomaaliyeeed waxey xaq dhowreeysaa, xurmeyneeysaana xuquuqda aadanaha iyadoo arrinkaas laga ambaqaadayo, Xukuumaddu waxey ku dhaqaaqday tallaabooyin cad cad oo lagu xaqiijinayo laguna dhowrayo xuquuqda Dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay.
Dowladda Soomaliya waxay caddeyneysaa inay diyaar u tahay kana shaqeyneyso dhameystirka geedi socodka lagu meelmarinayo barnaamijka Universal Periodical Review (UPR), iyadoo meelmarinta barnaamijkaas uu ka dhimanyahay ansixinta Baarlamanka Soomaaliya oo qura.
Haddaba Xukuumadda Soomaaliya waxeey muujineysaa dareenka ay ka qabto shir ay abaabuleyso Hey’adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka oo kaashaneysa NGOs, shirkaas oo aysan dowladdu la socon waxna ka ogeyn abaabulkiisa iyo ajandihiisaba.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Shirkii Looga Hadlayay Aayaha G/Dhexe oo Guul ku dhamaaday
- Gobolka Banaadir oo ka hadlay Werarkii UNDP iyo Meydadkii Kooxda
- Kooxo kala taageera X.Dahir, Rooboow iyo Godane oo 16 iska Dilay
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.