Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Friday 19 June 2015 10:24

Dowladda Federaalka & Ahlu Sunna oo ku kala tagay Wadahadaladii Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (KON) - Wararka aan helayno ayaa sheegaya in uu fashil ku dhamaaday Wadahadalkii uga socda Magaalada Dhuusamareeb Ahlu Sunna & Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Teaser Image Dowladda Federaalka & Ahlu Sunna oo ku kala tagay Wadahadaladii Dhuusamareeb

Wadahadalka oo soo socday Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxay kusoo dhamaadeen Guul Darro kadib markii Ahlu Sunna ay diideen Qodobo ay Dowladda Federaalka u jeedisay oo ku aadan Nabada & Arrimaha Maamul u samayenta Gobolada Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS C/raxmaan Odawaa ayaa isagas oo tagay Dhuusamareeb isagoo aan wax xal ah lasoo gaarin Ahlu Sunna, waxaana uu dib ugu laabtay Magaalada Cadaado oo Shir Muhiim ah oo Heer gaba-gabo ah maraya uga socda Odayaasha Shacabka Galgaduud & Mudug oo Maamul ay leeyihiin ku dhisanayaan.

Ahlu Sunna ayaa usoo jeedisay Dowladda Federaalka Shuruud badan oo ay kamid yihiin in Maamul la dhisayo Magacooda loogu yeero & In Golaga Wasiirada Soomaaliya laga siiyo Xubno, taasi oo Wasiirka Arrimaha Gudah ka aqbali waayay.

Lama oga Tallaabada xigi doonto oo Dowladda ka qaadi doonto Ahlu Sunna, oo hadda u muuqda kuwa Cabaqad ku noqonaya Maamulka Gobolada Dhexe, oo Shirkiisa la filayo in dhawaan laguu gunaanado.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa usoo jeediyay Ahlu Sunna inay Nabada qaataan, oo isagaa baxaan Dhuusamareeb, sidoo kalena wax la qeybsadaan Bulshadooda maadaama ay kamid ahaayeen Dadkii saxiixay Shirka Cadaado.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top