Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Saturday 6 November 2010 08:52

Dr Xaawo Cabdi iyo Gabdhaheeda oo loo aqoonsaday Haweenka Sanadka

New York (Keydmedia) - Dr Xaawo Cabdi iyo labadeeda Gabdhood ayaa loo aqoonsaday Haweenka Sanadkan 2010 (Women of the Year) kadib qiimeyn ay sameysay majalad ka soo baxday Dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Glamour.

Teaser Image Dr Xaawo Cabdi iyo Gabdhaheeda oo loo aqoonsaday Haweenka Sanadka

Sababta loo xushay Seddexdan Shaqsi ee isku qoyska ah ayaa la sheegay in tahay kaalmada aadaminimo ee ay ka hayeen mudadii barakaca isbitaalka Xaawa Cabdi loogu magac daray ee duleedka Muqdisho kaasoo kaalma wanaagsan u fidin jiray Haweenka iyo Caruurta.

Dr Xaawo waa 63 sano waxaana Gabdhaheeda lagu kala magacaabaa Dr Deeqa Max’ed iyo Dr Aamina Max’ed .

Hadal qoraal ah oo majalada lagu daabacay ayaa lagu yiri “ waxa ay majalada si weyn ugu faraxsantahay in ay aqoonsato Dr Xawo iyo Gabadhaheeda isla markaana ay ku magacawdo Haweenka sanadka ee majaladda Glamour.

Xera ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ay maamusho Xaawo Cabdi  ayaa la sheegay in dadka ku nool ay tiradooda tahay 90-kun oo ruux una badan Haween iyo caruur qaarkood ay aabe la’aan yihiin.

Bishii May ee sanadkan ayaa koox ka tirsan Xisbiga Xasan Daahir waxa ay xoog ku galeen isbitaalki Xaawo Cabdi ee ay Dr-sada maamuleysay waxaana ay jirdileen Dr-sada iyagoona mudda badan hakad galiyay howshii isbitaalka.

Kadib markii ay hanadaad kala kulantay Xaawo Cabdi kooxda Xasan Daahir ayeey ka baxday Dalka waxaana taasi ay soo dadajisay in MSF oo kaalmeyn jirtay goobta Caafimaad ee xaawo maamusho ay hakiso taageeradeedii

Magacaabista ay majaladan ku magacawday Xaawo Cabdi iyo Gabdhaheeda Haweenka Sanadka ayaa waxa ay dhiira galin u noqon kartaa soomaali badan oo aaminsan in Qatarta dalka ka jirta darteed aan la fulin Karin howl samafal.

www.keydmedia.net

 

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top