Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Thursday 18 June 2015 09:55

Fah Faahin: Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Shirka Cadaado {Sawirro + Wareysi}

Cadaado (KON) -- Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa Fah Faahin ka bixiyay Weerar Ismiidaamin ah oo Saakay lagu qaaday Xarunta Shirka Magaalada Cadaado.

Teaser Image Fah Faahin: Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Shirka Cadaado {Sawirro + Wareysi}

Wuxuu sheegay in Ciidamada Nabad Sugidda ee NISA iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay Fashiliyeen Weerar Rag ka tirsan Shabaab ay ku soo qaadeen Xarunta uu ka soconayo Shirka Maamul u sameeynta Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Maxamed Yuusuf ayaa Tilmaamay in Raga Weerarka soo qaaday ay gaarayeen ilaa Afar Ruux oo watay Gaari kuwaas oo doonayay in ay Arbushaan Shirka Maamul u sameeynta.

“Alle ayaa Mahad leh Ciidanka NISA iyo kuwa AMISOM ayaa ka hortagay  isku dayga ay Al-shabaab Damacsanaayeen in ay ku Carqaladeeyaan Shirka Gobolada Dhexe “ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale Maxamed Yuusuf Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa intaa ku daray in mid kamaid ah uu ku Qarxay meel aan u dhaweryn Xarunta Kafaalo ee uu shirka ka soconayo halka Saddexda kalena Toogasho lagu dilay.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in aysan jirin wax kale oo Khasaaro ah oo ka dhashay Qaraxa iyo Rasaas kooban oo Dableeyda ay Adeegsadeen.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Dhageyso Codka Maxamed Yuusuf: 

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top