Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 4 May 2012 12:55

FBI: Osama Bin Laden ma jeclayn Midowga Al shabaab iyo Al Qaeda

Nairobi (Keydmedia) - Dowladda Maraykanka ayaa baahisay Ducumitiyo Sir ah oo ay ka heleen Gurigii ay ku dileen Osama Bin Laden oo ku yaalla magaalada Abuu tabad ee dalka Pakistan.

Teaser Image FBI: Osama Bin Laden ma jeclayn Midowga Al shabaab iyo Al Qaeda

Nuqollo ka mid ah Ducumentiyadaasi ayaa waxaa ku qoran in Al shabab iyo Osama Laden ay sameeyeen Xiriir kaasi oo ku aadanaa in Al Qaeda ay aqbasho in Al shabab ay la midowdo.

Mukhtaar Abuu Zubayr oo ah Horjoogaha ugu sareeya Kooxda Al shabab ayaa warqad uu u qoray Osama Bin Ladin, taasi oo uu kaga codsaday si loo sii xooojiyo dagaalka ka dhanka ah Reer galbeedka in Al shabab iyo Al Qaeda ay noqdaan kuwo midooba oo sii laba jibbaara Dagaalada Al shabab ay kala soo horjeeddo AMISOM iyo Dowladda KMG ee dalka Soomaaliya.

Osama Bin Ladin ayaa Taariikhdu markii ay ahayd Aug. 7, 2010 waxuu Warqad ku qoray computerkiisa gaarka ahaa,waxana uu ku seefgareeyay Flashdrives oo ah mid kamid ah Laamaha qaabilsan in Computerka ay wax ku seefgareeyaan , warqaddaasi waxa ay Jawaab u ahayd Warqaddii Abuu zubeyr uu ku codsaday in usama uu qalinka ku duugo in Al shabab iyo Al Qaeda  ay midoobaan.

Osama waxa uu Warqaddaasi ku yiri ma doonayo in Al shabab ay Al Qaeda kamid noqoto , waxaa wanaagsan in wada shaqayn ay ina dhaxmarto , haddii si rasmi ah aan u baahinno in Al shabab iyo Al Qaeda ay midoobeen , waxaa suurto gal ah inaad la kulantaan sidii ay la kulmeen Walaalaheen ku sugnaa Dalalka Algeeriya iyo Iraaq, kuwaas oo cadowga kala kulmayn dhibaatayn” ayuu Osama ku yiri Warqaddii uu u soo diray Abuu Zubayr .

Osama, Hogaamihiyii la dilay ee Al Qaeda ayaa waxa uu ku yiri Al shabab Soomaaliya sii wada Dadaalkiina Al Qaeda way idin garab taagantahay.

Balse markii Maraykanku uu dilay Al Qaeda 2 Bishii May islamarkaana Hogaamiye cusub loo doortay Ayman Al Zawaahiri ayaa waxaa dhacday Bishii February in Al Qaeda iyo Al shabaab ay midoobeen kadib codod barta Internatka ay ku baahiyeen Ayman Al zawaahiri iyo Abuu zubeyr. 

Waaxda la dagaalanka waxa loogu yeero Argigixisada ee Dowladda Maraykanka ayaa haatan waxaa Ururada u diiwaan gashan kamid ah Al qaacidda iyo Al shahbab kuwaas oo ay ku sifeeyeen in Qal qal ay ku hayaan Xasiloonida Caaalamka.

Keydmedia.net - Xafiiska, Nairobi

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top