Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 3 January 2014 08:30

Galmudug: Dekadda Hobyo oo la furayo

Gaalkacyo (KON) - Maamulka Galmudug ayaa shaaciyey in Dekadda Magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug in Xariga laga Jarayo Bishaan Janaayo ee Sanadkaan 2014.

Teaser Image Galmudug: Dekadda Hobyo oo la furayo

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga, Axmed Maxamuud Axmed Baasto ayaa sheegay in la dhameeyey Howlihii Dekadda Magaalada Hobyo Islamarkaana dhawaan la furi doono.

Axmed Baasto ayaa Tilmaamay in Qorshaha Maamulka Galmudug uu yahay in Bishaan Janaayo Lafuro Dekadda Hobyo oo Dhisitaankeeda lagu howlanaa.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Furitaanka Dekadda Magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug in ay ku manaafacayaan Bulshada Dagan Gobolada dhexe ee Dalka Soomaalia oo inta badan wax kala soo daga Dekaddaha Magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso.

Maamulka Galmudug ayaa waayahaan ku howlanaa sidii uu dib ugu howlgalin lahaa Dekadda Hobyo, waxaana Hadalka Maamulka ka soo baxay soo dhaweeyey Shacabka Reer Galmudug.

Keydmedi Online - Xafiiska Gaalkacyo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top