Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 2 January 2013 20:10

Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo Walaaltinimo iyo Iskaashi gaaraya

Muqdisho (KON) Kulan ay isugu imaadeen xubno ka socda maamulka Galmudug iyo waliba Ximan iyo Xeeb ayaa maanta wuxuu ka dhacay degmada Cadaado ee gobalka Galgauud.

Teaser Image Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo Walaaltinimo iyo Iskaashi gaaraya

 

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlayay iskaashiga iyo waliba walaaltinimada lamada maamul oo mudo uu qilaaf u dhaxeeyay waxaana uu ka danbeeyay ka dib markii halkaasi ay gaareen wafdi ka socda maamulka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay Dr Cumar Salaad Cilmi oo ah lataliye ka ah barnaamij nabadeed oo loogu magac daray Gun ka soo dhiska nabadda G/dhexe.

Kulan ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximan iyo Xeeb iyo qaybahaka kala duwan ee bulshada labada dhinac ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa nabad kuwada noolaashaha shacabka.

Xassan Xaashi Gudoomiyaha gudiga nabadaynta u qaabilsan Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in ay muhiim tahay walaltinimada iyo iskaashiga.

Wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye ayaa isna madasha ka sheegay in ka maamul ahaan ay ka shaqayn doonaan isdhexgalka bulshada labada dhinac isla markaana ay is walaashan doonaan Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

Talaabadaan oo ah mid horumar weyn lagu tilmaami karo ayaa wuxuu ku soo adayaa xili dhowaan labadaan maamul ay isku qilaafeen gacan ku haynta iyo waliba maamulka Degmada Hobyo.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

 

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top