Exclusive: Daawo Ganacsiga xooggan oo ka socda Dekadda Magaalada Kismaayo
Kismaayo (Keydmedia) - Ayadoo ay jiraan caqabado badan oo ay Kooxda Shabaabka ay ku hayaan qeybaha kala duwan ee ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa haddana waxaa jira Ganacsi xoogan oo ka soconaayo dekada Caalamiga ah ee Dekada magaalada Kismaayo.
Warbaahinta Keydmedia oo ay u suura gashay inay booqato Dekada Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay halkaasi kula kulantahay dad aad u fara badan oo isugu jira Ganacsato iyo dad Muruqmaal ah, waxaana dadkii aynu la kulanay ay sheegeen in Ganacsiga guud ee magaalada uu aad u wanagsanyahay inkastoo ay jiraan dhibaatooyin dadkaasi ay ku qabaan canshuuraha badan ee uu ka qaado Maamulka kooxda Shabaabka ee magaalada Kismaayo.
Dekada magaalada Kismaayo hadda waxaa ku xiran Gaadiid badeed badan oo isugu jira Doomo iyo Maraakiib waaweyn waxaana Gaadiidkaasi dekada ku xiran marka laga dajiyo shixnadaha ganacsi ee ay keeneen lagu raraa Dhuxusha oo si aad ah looga dhoofiyo dekada magaalada Kismaayo sida aad arkrysaa.
Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho





New Video
Share this page
More News
- Weerar Bambaano oo Xalay lagu qaaday Ciidamo Ka tirsan Booliska Muqdisho
- Qorshe lagu tilmaamay Ciribtirka Al-shabaab oo ka socda Gobolada Dhexe
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.