Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 21 January 2014 05:25

Garoonka Kismaayo oo la Weeraray

Kismaayo (KON) — Koox hubaysan ayaa Xalay Weerar xooggan oo Madaafiic ah ku qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo, Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Teaser Image Garoonka Kismaayo oo la Weeraray

Weerarka ayaa socday ku dhowaad Hal Saac, waxaana Kooxda Weerarka soo qaaday ay kasoo weerareen Garoonka dhanka Galbeedka ah, iyadoo markii ay kusoo dhowaadeena ay Iska Caabina kala kulmeen Ciidamada Kenya.

Dadka Deegaanka ayaa ku tilmaamay Weerarka kii ugu xoog badnaa oo lagu qaado Garoonka Axmed Gurey Mudooyinkii danbe. Garoonka waxa uu qiyaastii 15 Km ka baxsanyahay Magaalada Kismaayo, waxaana hadda Gacanta ku haya oo Saldhig military u ah Ciidanka Kenya.

Xaafadda Calanley dhinaceeda Dalcadda ayaa laga maqlaayay, Dhawaqa Hubkii ay isku adeegsanayeen Labada dhinac, waxaana la xaqiijiyay in Gudaha Garoonka ay ku dhaceen tiro Madaafiic ah.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay Duqeynta ka dhacday Xalay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo, oo maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid Mashquul badan oo ay kasoo degayeen Wufuud ka qeybgalaysay Xafladda Caleemo saarka Axmed Madoobe oo Shalay dhacday.

Kismaayo ayaa ka jira Xiisado Colaadeed oo u dhaxaysa Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa 2-aad C/qaadir Luga Dheere, waxaana Khilaafkooda uu Salka ku hayaa Awood weybsi (Golaha Wasiiradda).

Keydmedia Online—Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top