Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 23 January 2012 20:40

Garoonka Muqdisho oo lagu Qabtay Nin sitay $ 2 Milyan & R/wasaraha oo fasaxay Ninkaas

Muqdisho (Keydmedia) - Waxaa na soo gaaray Warar lagu Kalsoonyahay oo sheegaya in Shalay galinkii hore Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho Ciidanka Boliiska ee garoonkaasi gacanta ku dhigeen Nin Soomaali ah kaasoo boorso ku sitay Lacag "Kaash" oo dhan $ 2 Milyan.

Wararka hordhaca aya sheegaya in Ninkaan oo aan Magaciisa la shaacin arriimo amaan awgeed ayaa ku qornaa mid ka mid ah duuliyaad gudaha ah ee diyaaradaha rakaabka ee Soomaalida uu ka raaci rabay, wuxuuna xilligaasi u qorsheynaayay inuu gaaro magaalada Gaalkacyo kadibna Magaalada Bosaaso.

Saraakiisha Ciidanka ee garoonka oo qabtay Ninkan ayaa ku amray ninkaasi inuu ka haro duulimaadkii uu ku qornaa waxayna u kexeeyeen saldhiga amaanka ee Garoonka.

Markii saraakiisha baaritaanka ee Booliska garoonka ay weydiiyeen ninkan sababta uu Laba Milyan Doolar Kaash ah ula raacayey diyaarad ayaa wuuu ku jawaabay inuu Lacagtaasi u watay ganacsi caadi ah oo uu kuleeyahay magaalada Boosaaso.

Wuxuuna Ninka sheegtay inuu Lacagtan kala soo baxay shirkadda Xawaaladda ee AMAL sida ay sheegeen ilo xogogaal ah oo la socda baaritaanka.

Hase yeeshee saraakiisha Booliska ayaa xiray ninkii lacagta watay kadib markii uu ku adkeystay in Lacagta uu isagu leeyahay, Lacagtiina way ka hayeen oo isla saldhigga garoonka diyaarada ayaa la dhigey.

Intii uu socday Baaritaanka Minka, isaagiina uu ku jiro saldhiga garoonka ayaa waxaa iska soo daba dhacay telefoon xiriir ah oo ka imaanayey Wasiirka arimaha gudaha DKMG C/samad Macalin Maxamuud kaasoo culeys ku ciidamada Booliska iyo taliska nabadsugida ee kiiska gacanta ugu jiray inay arinta baaritaanka hakiyaan ayna fasaxaan ninka ay xireen iyo lacagtiisaba.

Culeysyadaa ka imaanaayay Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa ugu dambeyn sababay in Booliisku joojiyaan baaritaankii ay wadeen iyaga oo aan ka gun gaarin, islamarkaana waxay siidaayeen ninkii la xirey iyo labadii milyan ee uu watay.

Waxaana ninkii oo lacagtiisa boorso ku sita uu si caadi ah uga safray garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoon su’aal dambe la weydiin.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiil ku dhow Ra'iisulwasaaraha ay ku lug lahaayeen lagactaan laga qaaday Muqdisho, iyadoo la sheegay iney ka macaasheen intii uu xilka hayay Mr. Cabdiweli Maxamed Gaas oo todobaadkii hore magacaabay gudi la dagaalanta musuqmaasuqa ee  saraakiisha Dowlada KMG ah oo ku caan baxay iney boobaan hantida Qaranka.

Wadanka

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top