Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Monday 20 February 2012 15:29

Gobollada Baay iyo Bakool oo Saaka ka jira Dhaqdhaqaaqyo Ciidan

Muqdisho (Keydmedia) - Waxaa saaka kajira qaar ka tirsan Gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Dalka Soomaaliya Dhaqdhaqaayo Ciidan oo u dhaxeeya Askar Amxaaro ah oo ay la socdaan kuwa dowlada KMG iyo Kooxda Al-shabab.

Dadka deggan G/Gedo ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amxaaradda ah ay u dhaqaaqeen Degmooyin Yeed, Xudur iyo Waajid iyo deegaano dhowr ah oo ka tirsan G/ Baay iyo Bakool ee Koofurta Soomaaliya halkaasi oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaadka kooxda Al-shabab.

Dhaqdhaqaaqyada Ciidan ayaa Cabsi iyo Walaac weyn ku beeray dadka Rayidka ah ee ku nool Degmooyinka ku dhow Xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Ethiopia,waxaana wararku ay sheegayaan in Maleeshiyaadka Al-shabab ay samaynayaan diyaar garow Dagaal oo ay ku doonayaan inay isaga caabiyaan Ciidamada isgarabsanaya ee kusoo wajahan.

Arintan ayaa imaanaysa xilli Maalintii shalay ay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwo Amxaaradda ah ay usoo dhaqaaqeen dhanka Gobollada Baay iyo Bakool si ay u lawareegaan Gobolladaasi oo ka mid ah Meelaha muhiimka u ah Kooxda Al-shabab.

Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG oo aan laxariirnay ayaa ka gaabsaday inay ka warbixiyaan halka ay joogaan Ciidankood iyo meelaha ay ku wajahan yihiin,balse waxa ay sheegeen inay duullaan ku yihiyiin G/jubbooyinka, Shabeellooyinka, Baay iyo Bakool iyo Gedo, Hiiraan iyo gobollada dhexe wixii ka dhimmanba.

Keydmedia.net - Xafiiska Baladweyne

 

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top