Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 13 December 2012 17:52

Golaha wasiirada oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho

Muqdisho (KON) Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay shirkoodii todobaadlaha ah ee ay khamiis walba yeeshaan ayadoo shirka Todobaadkanna looga hadlay qodobbo xasaasi ah.

Teaser Image Golaha wasiirada oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho

 

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa waxaa shir gudoominayey Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxaana ugu horeyn shirka warbixin ku aadan guullaha ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka gaareen howlgallada iyo heshiiskii dhanka Gaashaandhigga ee Turkiga iyo Soomaaliya looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isagu labadaasi qodob Golaha Wasiirrada faah faahin ka siiyey.

Golaha Wasiirrada ayaa waxa ay markaasi kadib meel mariyeen oo ay ansixiyeen heshiisyadii ay soo kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo heshiisyadaasina uu horey usoo saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud hadana waxaa loo gudbin doonaa Baarlamaanka maadaama ay Golaha Wasiirrada maanta meel mariyeen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ay sidoo kale ka hadleen in hantidii Qaranka lagasoo celiyo dadkii xilalka soo qabtay waxaana loo qabtay mudo ku eg inta ka harsan sanadka cusub ayadoo sidoo kalena ay Golaha Wasiirradu ka hadleen sidii loosoo celin lahaa hantida Dowladdii dhexe ee Dibadda taasi oo iyana loo saaray gudi uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda,Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sidoo kale tilmaamay in Golaha Wasiirradu ay ka hadleen sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed taasi oo Golaha Wasiirradu ay isku raaceen in la qaado talaab walbo oo lagu hormarin karo waxbarashada Dalkeenna.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top