Gudiga fulinta nusoj “Cumar Faaruuq Maxkamad ayaa la saarayaa “
MUQDISHO(KEYDMEDIA) Xubnaha gudiga fulinta ururka suxufiyeenta ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan NUSOJ oo maanta ku shiray magaalada muqdisho ayaa waxa ay daboolka ka qaadeen in ay maxkamad la tiigsan doonaan xoghayaha ururkaasi Cumar Faaruuq Cismaan.
“Waxaan cadeyneynaa in xilkii xogahaya guud ee NUSOJ laga qaaday Cumar Faaruuq isla markaana si KMG ah xilkaasi loogu dhiibay Max’ed Ibraahim Isaaq(Bakistaan) kadib markii cumar uu lunsaday hanti loogu tala galay suxufiyiin dhibaato ay gaartay ayna soo qoondeysay hey’adda caalamiga ah ee IFJ” sidaa waxaa yiri C/rashiid Deyl oo ka tirsan gudiga fulinta NUSOJ saxaafadana maanta kula hadlay Magaalada Muqdisho.
Mr Deyl ayaa sheegay in muda badan uu socday musuqa iyo wax isdaba marinta uu cumar Faaruuq ku hayo suxufiyiinta isagoona xusay in meel walboo dunida ah maxkamad lagula tiigsan doono Faaruuq iyo dadka kala shaqeynaya lug-gooyada suxufiyiinta.
“ Waxa uu si qaldan u isticmaalay lacag loogu tala galay suxufiyiin ay dhibaato gaartay, waxaa ka mid ahaa suxufiyiintaasi wariyaashii ku dhaawacmay qaraxii shaamow iyo kuwii ku dhintay” sidaa waxaa yiri C/rashiid Deyl intii uu ku guda jiray shirka Jaraa’id.
Xil ka qaadista ay maanta ku sameeyeen gudiga fulinta ee NUSOJ Cumar Faaruuq ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili Faaruuq uu dadaal ugu jiro sidii ururada saxaafadda Caalamka uu uga qaadan lahaa lacago isaga oo wata magaca suxufiyiinta Soomaaliya,.
Tan iyo sanadkii 2007 markii ay badatay dhibaatada suxufiyiinta Soomaaliyeed ay la kulmayaan ayaa waxaa aad u soo badanayay dakhliga faraha badan ee galaya gacanta Cumar Faaruuq, waxaana suxufiyiin kale duwan ay xaqiijiyeen in faaruuq lacago uu magacooda caalamka uga soo qaaday uu lunsaday.
Tani ayaa qeyb ka ah dhibaatada dhiig miiradnimo ee ay qabqablayaasha kale duwan ku hayaan ummadda Soomaaliyeed, waxaana Faaruuq iyo xertiisa ay ku caan baxeen in iyaga oo wata magaca suxufiyiinta Soomaaliyeed ay caalamka hanaan qabqablanimo lacaga uga qaataan tiyoo suxufiyiinta aanay wax dhaaf ah ka helin waxa magacooda lagu soo qaato.
Www.keydmedia.net
More News
- Kooxda Shabaab oo Duqeyn ku Bur buriyay Ceelkii Biyaha ee Garbahaareey
- Somali ku dhibaataysan Xabsiyo ku yaalla dalka Ukraine
- Suuqa Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo xiran
- Horjoogiyaal Al Shabaab ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Galgaduud
- Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.