Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 23 February 2012 08:50

Gudoomiyaha Wadajir oo Saakay la toogtay

Muqdisho (Keydmedia) - Rag oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa saakay toogtay Gudoomiyaha xaafada Xaawa Taako degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho Tuurre Digniin Afrax.

Marxuumka la dilay ayaa ku sugnaa meel lagu qaxweeyo oo ku taalo xaafada Suuqa Weyn sida uu inoo xaqiijiyey gudoomiye ku xigeenka degmada Wadajir Macalin Maxamuud Saneey Afrax.

“Waxaa dhacay saakay shil naxdin leh, laba nin oo hubeysan ayaa toogtay gudoomiyihi xaafada Xaawa Taako Tuurre Tigtiin Afrax, waxa uu fadhiyey meel maqaayad ah oo lagu qaxweeyo aroorti hore ee saakay, ragi dilay wey baxsadeen hada waxaan ku jirnaa dabagal iyo baaris,” ayuu yiri.

Waa dilki ugu horeeyey oo mas,uul ka tirsan degmada Wadajir loogu geysto gudaha degmada mudo ka badan 3 sano.

Degmada Wadajir ayaa ka mid aheyd meelaha ugu daran ee lagu ugaarsado Al Shabaab, mana dhici jirin in ay Al Shabaab dad ku dilaan.

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top