Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 5 December 2012 11:39

Haweenay Ganacsato ah oo ka badbaaday isku day Lagu doonayay in Lagu Gowrayo

Muqdisho (KON) - Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in Haweenay ka mid ah Haweenka ku ganacsada magaaladaasi uu dhaawac culus soo gaaray ka dib markii nin uu isku dayay in uu qoorta ka gooyo.

Teaser Image Haweenay Ganacsato ah oo ka badbaaday isku day Lagu doonayay in Lagu Gowrayo

Ardo Muumin oo ka mid ah Haweenka Jaadka ku iibiya magaalada Hargaysa ayaa waxaa soo weeraray nin watay Midi dheer ama Tooray kaas oo doonayay in gabi ahaanba uu qoorta ka gooyo Haweenaydaan waxaana la sheegayaa in haatan uu dhaawaceeda uu liito iyadoona lagu dabiibayo isbitalka Hargeysa.

Ninka weerarkaan geestay ayaa waxaa lagu magacaabaa Siciid Muxumed Cali (ina Cirro weyne) lamina garanayo sababta ku ka liftay in Haweenaydaan ganacsatada ah uu dilo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkaan la xiray isla markaana uu ku xiranyahay saldhiga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland, ilaa iyo iminkana majiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha maamulkaasi oo ku aadan dhacdadaan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top