Haweeney Ganacsato ahayd oo Muqdisho lagu toogtay
Muqdisho (KON) - Kooxo Hubeysan ayaa Xalay ku dileen Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho Haweney Ganacsato ahayd.
Niman Bistoolado ku hubeysnaa ayaa Haweyneydaasi ku toogteen Dayniile.
Lama Oga sababta loo dilay Haweeneydaan, waxaana la sheegayaa in Nimanka Falkaan fuliyay eysan qaadan wax Maal ah.
Maamulka Dayniile ayaa isla markiiba Askar usoo diray Goobta.
“Waa run inuu jiro dilka gabadhaasi oo ka mid ahayd ganacsatada degmada waxaana dilay kooxaha nabad diidka ee al shabaab,waxaan wadnaa sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa kooxihii falka dilka geystay" ayuu yiri gudoomiyaha degmada Dayniile.
Waa dilkii seddexaad ee degmada Dayniile ka dhacay muddo todobaad ah.
Keydmedia Online - Xafiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.