Haweeney u dhalatay dalka Britain oo lagu soo furtay $ 80,000
Muqdisho (Keydmedia) - Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida ayaa waxa ay maanta $ 80,000 ay kusii deeyeen haweeney u dhalatay Dalka Ingiriiska taasi oo ay ka soo afduubteyn dalka Kenya Mudana ay Soomaaliya ku hayeen.
Wararka inaga soo gaaraya Magaaladda Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya in Maanta Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ay lacago aad u farabadan oo madax furasho ah ay kusii daayeen haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska taasi oo laga soo afduubtay Jaziirada Lamu ee dalka Kenya.
Waxaana Diyaarada Kooxaha Burcadbadeeda u waday lacagaha ay kasoo degtay Magaaladda cadaado ee Gobolka Gal-gaduud.
Waxaana la sheegayaa in ay isku dhaceyn kooxihii Burcadbadeeda ee lacagta qaatay iyo waliba Maamulka Ximan iyo Xeeb,waxaana la sheegay in isku dhaca uu ka dambeeyay kadib markii si amar la ‘aan ah ay uga soo degtay diyaaradii lacagta u waday kooxahaasi.
Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Cadaado ayaa laga dhoofiyay haweenaydii ay gacanta ku hayeen Burcadbadeeda Soomaalida, iyadoona lagu soo waramay in ay aad u liidatay Xaaladda Caafimaad ee Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Judith Tebbutt.
Share this page
More News
- Gobolka Banaadir oo ka hadlay Werarkii UNDP iyo Meydadkii Kooxda
- Kooxo kala taageera X.Dahir, Rooboow iyo Godane oo 16 iska Dilay
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.