Howlgalo lagu soo qabtay Dad iyo Walxaha Qarxa oo Kismaayo laga sameeyay
Muqdisho (KON) Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan howlgalo halkaasi laga sameeyay in lagu soo qabtay dad falal ka soo horjeeda amaanka ka waday xaafadaha magaaladasi.
Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro la sheegay inay wateen waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo la aaminsanyahay in ay damacsanaayeen in ay dhibaatooyin geestaan.
Meexalaha dadkaan laga soo qabtay ayaa waxaa ka mid ah afadaha Dalcada iyo Farjano oo ka mid ah magaaladaasi Kismaayo kuwaasi oo ay ka jireen falal ka soo horjeeda amaanka.
Col. Axmed Diini taliyaha ciidamada ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in raga qaar ee la qabtay maanta ay ku cadaatay inay ka mid yihiin Al-shabaab sida uu sheegay.
Sidoo kale wuxuu sheegay in haatan dadka la soo qabtay la dhigay sal dhiga magaalada Kismaayo, inkastoo uusan sheegin tirade dadka ay soo qabteen.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- R/wasaaraha oo ka hadlay mooshinkii lala laabtay
- 50-Sano guuradii aas-aaska ururka Midowga Afrika oo Muqdisho laga xusay
- Axmed Sandheere: “Axmed Madoobe Taangi Sawaaxili ayuu saaranyahay”
- Warbixin: Beeraha Deg. Afgooye // Daawo
- Ciidamada Kenya oo Howlgalo ka wada Gaarisa // Sarkaal lagu dilay Magaalada
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.