Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 3 January 2013 09:26

Hub iyo Walxaha Qarxa oo Lagu Qabtay Kismaayo

Kismaayo (KON) - Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni ee ka arrimiya magaalada Kismaayo ayaa xalay fiidkii gacanta ku dhigay baabuur ay saarnaayeen hub iyo walxaha qarxa.

Teaser Image Hub iyo Walxaha Qarxa oo Lagu Qabtay Kismaayo

Baabuurkaan lagu qabtay walxahaan oo ah nooca ay Soomaalidu u taqaano Caasiga ayaa ka yimid dhanka degmada Jilib ee gobbolka Jubbada Dhexe oo ay Shabaab maamulaan, sidaasna waxaa Keydmedia Online u sheegay C/naasir Seerar oo ah Afhayeenka Maamulka Kismaayo.

Mr Seeraar ayaa intaasi ku dary in baabuurkaan lagu qabtay Kontaroolka waqooyi ee Kismaayo ee ku yaalla wadada Kismaayo ka baxda ee Muqdisho aada.

Baabuurkii hubka lagu qabtay iyo labo qof oo saarnaa ayaa loo dhaadhicyay dhanka saldhiga degmada Kismaayo hakaasii ay hadda ku xiranyihiin.

Sikastaba, lama oga sida Ciidamadu ka yeeli doonaan labadii qof ee lagu qabtay baabuurka hubka iyo walxaha qarxa ay saarnaayeen.

Wixii ku soo kordha kala soco WWW,Keydmedia.net

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top