Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 3 January 2013 12:07

Hurumarinta Garoomada Maxay ka Badali kartaa Ciyaaraha Soomaaliya - Warbixin

Daawo Masawirada | Muqdisho (KON) - Garoomada ku bada cagta ee Soomaaliya ayaa haatan waxaa lagu samaynaa horumar weyn, waxaana la dhisayaa kuwixii bur buray.

Teaser Image Hurumarinta Garoomada Maxay ka Badali kartaa Ciyaaraha Soomaaliya - Warbixin

Garoonka ciyaaraha ee Banaadir ayaa haatan waxaa lagu sameeyay dib u dhiska weyn, waxaana garoonkaan uu bur bur ka soo gaaray dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Garoonkaan ayaa waxaa la dhigay Cowkii mac malka ahaa ee yaalay garoomada caalamka ee lagu ciyaaro ciyaaraha ku bada cagta, waxaana haatan garoonka uu yahay mid bilic aahaan aad u wanaagsan.

Sidoo kale garoonka ku bada cagta ee Muqdisho ayaa asna waxaa lagu wadaa in dib u dhis balaaran lagu sameeyo isla markaana la dhigo Cowska cagaaran sida ay sheegeen xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya.

Arintaan maxay ka badali kartaa ciyaaraha Soomaaliya.

Xogeeyaha xiriirka kubada cagta ee Soomaaliya C/qani Saciid Carab ayaa sheegay in horumarinta garoomada ku bada cagta Soomaliya ay wax badan ka badali doonto ciyaaraha.

Wuxuu sheegay in markii hore ciyaartoyda Soomaaliyeed aysan heesan garoomo ay ku ciyaaraan laakiin hada wixii ka danbeeya wuxuu sheegay in garoomadii ay diyaaryihiin.

Sidoo kale waxaa la qabaa in ciyaartoyda Soomaalida ay arintaan wax ka tari doonto lacabsiga garoomada caalamig ah, maadaama garoomada Soomaaliya aysan markii hore aysan lahaan jirin cowska garoomada.

Ciyaaraha Soomaaliya.

Ciyaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ku yimid hoos u dhac balaaran tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya waxaana bur buray dhamaanba kooxihii kubada cagta ee Soomaaliya.

Ciyaarihii ugu danbeeyay xulka Qaranka Soomaaliya wuxuu ka soo qayb galay ciyaarihii bariga iyo bartamaha Afrika, kaasi oo lagu magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana ciyaarahaasi Soomaaliya Sadax kulan oo ay ciyaareen dhamaanba ay noqdeen kuwo laga soo wada adkaaday.

Keydmedia Online Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top