Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 3 January 2014 14:44

Isbaarooyin lasoo dhigay Wadada Gaalkacyo & Galinsoor

Gaalkacyo (KON)—Isbaarooyin ayaa lagu soo waramayaa inay kusoo badanayaan Wadada isku xirta Magaalada Gaalkacyo iyo Deegaanka Galisoor ee Gobalka Mudug.

Teaser Image Isbaarooyin lasoo dhigay Wadada Gaalkacyo & Galinsoor

Kooxa Malayshiyaad ah oo aan cidna ka amar qaadan, ayaa dhigtay Jid-gooyooyin Wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Galinsoor, kuwaas oo Lacago Baad ah ka qaaada Gaadiidka iyo Shacabka ku safraya.

Dadka socotada ah ee Wadadaa ku safra, ayaa sheegay in Dhibaato xoogan ay ku qabaan Kooxahaa tuugada kuwaas oo Lacago baad ah ka qaata iyo wax kasta oo ay wataan.

Maamulka Galmudug, ayaa ku Guul-Daraystay in uu wax ka qabto Isbaarooyinka Dadka ay ka cabanayaan, kadib markii Gudi loo magacaabay Qaadista Jidgooyooyinka uu fashilmay.

Wadayaasha Gaadiidka, ayaa ku baaqay in Wax laga qabto Dhibaatadan soo korortay, ee Tuugada Wadada u gasha ee Lacagaha Sharci darada ah ka qaata,taasi oo dheer Dhaca loo geesto Rakaabkooda.

Keydmedia Online—Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top