Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 13 December 2012 06:57

Daawo: Isbadal ku yimid Muqdisho xiliga Habeenkii ah

Muqdisho (KON) - Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiliyada habeenkii ah waxaa lagu arkaa askar ka tirsan dowlada Somaaliya kuwaasi oo sugaya amaanka.

Teaser Image Daawo: Isbadal ku yimid Muqdisho xiliga Habeenkii ah

Ciidamadaan ayaa waxay joogaan inta badan wadooyinka magaalada waxaana dadka ay waydiinayaan halka ay u socdaan iyo waliba aqoonsiyada ay wataan dadka wadooyinka isticmaalaya xiliyada habeenkii ah.

Talaabadaan ayaa waxay qayb ka qaadanaysaa sugida amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoona ay talaabadaan ay soo dhoweeyeen dadka shacab ah.

Waxaa haatan la arkayaa gawaari badan iyo waliba dadweyne xiliyada habeenkii ah magaalada dhex maraya taas oo ka turjubaysa amaanka magaalada Muqdishi inuu yahay mid soo hagaagaya.

Talaabadaan ayaa ah mid ku cusub magaalada Muqdisho iyadoona markii hore dadweynaha iyo waliba askarta ay kala cabsanjireen taasi oo keeni jirtay in magaalada ay noqoto mid xili hore lagu kala xaroodo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Halkaan ka Daawo Sawiradda @RadioMuqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top