Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Sunday 18 March 2012 11:24

Isgaarsiintii Degmada Baardheere oo la Damiyay iyo Cabsi Dagaal oo Halkaasi ka Jirta

Kismaayo (Keydmedia) - Sida ay sheegayaan Wararka aynu maanta ka helayni degmada Baardheere ee gobbolka Gedo Isgaarsiintii degmadaasi ayaa gabi ahaanba hawada laga saaray, ayadoona aan ilaa iyo hadda sababta la garaneynin.

Teaser Image Isgaarsiintii Degmada Baardheere oo la Damiyay iyo Cabsi Dagaal oo Halkaasi ka Jirta

Deegaano badan oo gobbolka Gedo ka tirsan waxaa maanta ka jira cabsi dagaal oo aad u xooggan, waxaana in Isgaarsiinta hawada laga saaro loo aaneenayaa cabsidaasi dagaal iyo xiisadaha maanta Gedo ka jira.

Meelaha ugu daran ee ay cabsidu ka taagantahay waxaa ka mid deegaanada Taraka, Dhakaajo iyo Dheele waxaana ay deegaanadaasi ay masaafo aad u yar ay u jiraan degmada Baardheere oo ay kooxda Shabaabka difaac xooggan kaga jiraan.

Wararka aynu sidoo kale helayno waxaa ay tibaaxayaan in Isgaarsiintii degmada Baardheere ay si ula kac ah u jareen maamulka kooxda Shabaabka ee degmadaasi iyagoona ka cabsi qaba in loogu soo gabaado Isgaarsiinta.

Wixii ku soo kordha xaalada Gogoobolka Gedo markasta kala soco www.keydmedia.net

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top