Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Friday 19 June 2015 07:59

Kenya oo Xayiraadda ka qaadaysa Xawaaladaha Soomaaliya

Nairobi (KON) - Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay dhawaan Xayiraadda ka qaadayso Shirkadaha Xawaaladaha ay leeyihiin Ganacsatada Soomaaliyeed ee ka howlgala dalkaasi.

Teaser Image Kenya oo Xayiraadda ka qaadaysa Xawaaladaha Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa ku amray Bangiga Dhexe ee dalkaasi inuu soo saaro Shuruuc Cusub oo lagu maamulo Shirkadaha Soomaalida ee Lacagaha Xawila, kuwaasi oo la xiray Bishii April markii looga shakiyay inay Akoono ku leeyihiin Dad & Hay'ado taageera Al shabaab.

Kadib markii u uu dhacay Weerarkii Jaamacadda Gaarisa, ayaa Kenya Albaabada isagu dhufatay 13 Shirakadood oo Soomaali leeyihiin kuwaasi oo adeegyadii u hayeen Shacabkooda hakad galay Mudo Labo Bilood ah, waxaana Shirkadaahi ay sheegeen in Tuhunka loo hayso uu yahay mid aanan jirin.

Hay'adaha Gargaarka Caalamiga ah ayaa cambaareeyay Go'aanka Kenya ay ku xirtay Shirkadaha oo ay ku tilmaantay adeeg muhiim ah inay u hayeen Shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya ee dalkaasi kuwada nool.

Ma aysan sheegin Kenya Waqtiga Rasmiga ah ee ay fasaxayso Shirkadaha, marka laga soo tago in uu Madaxweyne Kenyatta amray in la fasaxo.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top