Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Wednesday 17 June 2015 22:28

Keydmedia Online: Ramadan Kariim

Muqdisho (KON) - Wadamada Islaamka ayaa Berri laga soomi doonaa hadii alle idmo, Keydmedia Online waxey u bishaareyneysa guud ahaan Umadda Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida.

Teaser Image Keydmedia Online: Ramadan Kariim

Dhamaan Maamulada kale duwan ee Dalka oo isugu jira muxaafad iyo mucaarad waxa ay isku raaceen in maalinimada bari ah ay tahay Ramadaan.

Xafiiska Wararka Keydmedia Online ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ugu Bishaareynayaa umadda Muslimiinta ah Dhalashada bisha Ramadaan.

Sidoo kale, Maamulka KON waxaay Akhristayaasheeda iyo Dhamaan UMATUL ISLAAMKA ugu Bishareyneysaa Cibaado Suuban & Nabad.

Rabbi waxaan ka baryaynaa inuu Soonka naga Aqbalo, danbigeenana dhaafo, naartana naga xoreeyo... Wadankeena Nabad ku soo dabaalo, umadeena Jidka khayrka iyo Nabad ILLAHAY HA tuso. Aamiin, aamiin, aamiin.

Waxaa laga rabaa Qofka Muslimka ah inuu aad Ugu farxo ugu Riyaaqo imaatinka bisha barakayan, maxaayeelay waxay usidaa Raxmad, Danbi dhaaf, naar ka-xorow, caafimaad, inay barato Sabarka iyo dulqaadka, inay xasuusiso dareenka Sadaqo bixinta iyo dhika-qaadida dadka masaakiinta ah.

Waxaan Baaq u direyna Bulshada Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed taas oo ku aadan in si Niyad ah looga Faa’ideysto fadliga Bisha Ramadaan isla markaana lagu Alle tuugo in isbadal kan dhaama uu Dalka ka hana qaado Maadaama dhibaatada ay maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheyso.

Ramadaan Kariim. Ramadaan Kariim.

Keydmedia Online - Muqdisho 

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top