Khasaaro ka dhashay Weerar lagu qaaday goob lagu daawanaya Ciyaar - Muqdisho
Muqdisho (KON) - Kooxo Hubaysan ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen goob ciyaar lagu daawanayay oo ku taala degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro.
Weerarkaan ayaa ahaa Bamba gacmeed sida ay ku waramayaan dadka goobjoogayaasha ah ee halkaasi ku sugnaa xiligii weerarkaan uu dhacay habeenkii xalay.
Inta la ogyahay ilaa iyo 10-ruux ayaa ku dhaawacantahay weerarkaan lagu qaaday goobta lagu daawanayay ciyaaraha waxaana dadka dhaawacmay ay ku badnaayeen dad dhalinyaro ah.
Mas’uuliyiin katirsan maamulka degmada Wadajir ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay kadib markii falku dhacay iyagoo ugurmaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi kuwaasi oo loola cararay cusbitaalka Madina Muqdisho.
Al shabaab ayaa looga bartay weerarada nuucaan oo kale ah waxaana shineemo Muqdisho xilliga xalay la qarxinayey gudaheeda ku qayilayey ciidamo katirsan dawlada sida la sheegay taasi oo la ogeyn khasaaraha askarta iyagana soo gaartay.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Idiris X.Faarax Oo Laga Waraystay Fadeexadii Cunto Karinta Faroole Iyo Wiilkiisa
- Mooshinkii looga soo horjeeday Xukumada oo la joojiyay
- R/wasaare Saacid oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika
- Midowga Yurub oo bixinaya Malaayiin Dollar oo lagu dagaalo Burcad-badeeda
- Kulan looga soo horjeeday Faroole oo ka dhacay G/Bari
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.