Khilaaf Xooggan oo soo kala dhex galay Gen. Dhegabadan & Shariif Sh. Axmed - Xogta KON
Muqdisho (Keydmedia Online) - Khilaafka soo kala dhexgalay Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Gen C/karin Yuusuf Aadan Dhegabadan iyo Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed waxaa si aad ah looga dareemaayay Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale warbaahinta ku hadasha afka Dowladda oo hadda noqotay afka uu ku hadlo Sheekh Shariif.
Warbaahinta Keydmedia Online (KON) oo dabagal iyo baaritaano ayaa soo ogaatay waxa uu ku qotamo khilaafka Sheekh Shariif iyo Dhagabadan, ayadoona labadaan nin uu murankooda bilowday kadib markii Gen C/karin Yuusuf Dhegabadan uu Shariif Axmed ku wargaliyay inaan loo sii dul qaadan karin xaaladda adag ee ay ku howgalaan Ciidamada xoogga dalka oo ay mushaar la'aanta qeyb ka tahay.
Gen C/karin Yuusuf Dhegabadan waxaa uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka aysan wax Mushaar ah qaadanin muddo ku siman 4-bilood oo xariir ah, waxaana arrintaasi ay meesha ka saareysaa lacagtii la lunsaday ee lagu sheegay in la siiyay Ciidamada xoogga Dalka. Generaalka oo hadalkiisii sii wata "Madaxda qaarkood ma doonayaan in u Dalku nabad ku soo noqdo"
Markii uu Dhagabadan Shariif Axmed u soo jeediyay dhibaatada ay ku howlgalaan Ciiadamada xoogga dalka ayaa waxaa uu ku hanjabay inuu iska casilaayo xilka uu haayo hadii aan Ciidamada xoogga dalka aysan helin xaqa ka maqan.
Warbaahinta Keydmedia Online oo xariir dhanka Taleefonka ah la sameysay Gen. Dhagabadan ayaa waxaa uu u sheegay in hadda la xaliyay khilaafkii isagga iyo Sheekh Shariif isagoona xusay Shariif Axmed uu ballan qaaday in sidda uga dhaqsaha badan mushaar loo siin doono Ciidamada xoogga dalka.
Sikastaba Dhagabadan ayaa safka hore kaga jira saraakiisha ugu firfircoon ee Dowladda KMG ah waxaana Dhagabadan loogu yaqaanaa ladagaalanka Kooxda nabad diidka ah ee Shabaab, waxaana uu dhowr jeer ka badbaaday dhowr weerar ay Shabaab ku doonayeen inay ku khaarijiyaan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.