Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 2 January 2014 13:09

Kismaayo: Shan Qof oo ku dhintay Koowo ku soo Duntay

Kismaayo (KON) - Shan Qof ayaa ku dhinteen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, kadib Markii ay ku soo Duntay Kaawo ay Qodayeen

Teaser Image Kismaayo: Shan Qof oo ku dhintay Koowo ku soo Duntay

Dad Goobjooge yaal ah ayaa Keydmedia online u sheegay in Dadka Dhintay ay ahaayeen Xoogsato islamarkaana la baxa Kaawada si ay oga Ganacsadaan.

Waxaa wararka ay intaa ku darayaan in sidoo kale Saddex ruux ay ku dhaawacmeen Kaawada,kuwaa oo Xaaladooda ay liidato.

Goobta ay Musiibada Galabta ka dhacday ayaa waxaa soo gaaray Maleeshiyadka Kooxda Raas-kambooni iyo Ciidamada Kenya kuwaa oo Meydadka ka soo saaray Kaawada ku Duntay.

Horjooge ka tirsan Maleeshiyo Beeleedka Kooxda Raas-kambooni ayaa Warbaahinta u sheegay in Dadkii dhaawaca ahaa ay Keeneen Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Dhacdooyinkaan oo kale ayaa ka dhaca dalka Soomaalia,waxaan ay saameenta ugu weyn ay ku Reebtaa Xoogsatada ka Xabaalata Qoditaanka Kaawada.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top