Kooxaha Fc banaadir iyo Muqdisho City oo ku guuleystey horyaaladii 2-3aad ee dalka
Muqdisho (KON) Kooxaha kubadda cagta ee Muqdisho City iyo Fc banaadir ayaa ku kala guuleystey horyaaladii heerarka 2-3aad ee dalka Soomaaliya.
Kooxda Fc banaadir oo ka ciyaareysay horyaalka heerka 3aad ee dalka ayaa keensatay 35 dhibcood, waxayana dhibcahaasi u sahleen in ay ku guuleesato horyaalka Soomaaliya heerkiisa sadaxaad.
Dhinaca kale horyaalka heerka 2=aad ee B ayaa waxaa ku guuleysatey kooxda Muqdisho City markii ay urursatey 29 dhibic labadii weji ee horyaalka.
Kooxaha Fc Banaadir iyo DGB ayaa u soo gudbey heerka horyaalka kooxaha heerka 2-aad ee B, dhinaca kale kooxaha Muqdisho City iyo Savaana ayaa soo tiigsadey heerka 1-aad ee A, iyadoo halkaasi ay ka laabteen kooxihii Bad Baado iyo Saxafi oo heerka B u dhashey.
Ciyaaraha Heerka koowaad ee Soomaaliya ayaa horay waxaa ugu guuleestay kooxda Elman oo ka mid ah kooxaha ugu horeeya wadanka, taasi oo dhibco badan aruursatay.
Horyaalka Soomaaliya sadaxdiisa Heer ayaa si Habsami leh wuxuu kaga socday garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana horyaalkaan uu ahaa mid xiiso badan oo galab walba ay u daawasho tagi jireen dadweyne badan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Gudoonka Baarlamaanka oo digniin u diray qaar ka mid ah xildhibaanada
- AMISOM oo ka hadashay howlgalo ka socda Muqdisho
- Banaanbax looga soo horjeeday mooshinka xukuumada oo ka dhacay Muqdisho
- UN-ka oo Joojineysa Hawlihii ay ka waday Bari iyo Faroole oo Awaamiir soo rogay
- Warbixin: Xildhibaanadii ka soo horjeeday xukuumada oo ka laabtay mooshinkii ay wadeen
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.