Kooxda Al-shabab oo Ganacsade caan ah ku dishay Baydhabo
Baydhoba (Keydmedia) - Maleeshiyaadka Kooxad Al-shabab ayaa saaka Nin ganacsade caan ah si bareer ah ugu toogtay gudaha magaalada Baydhoba ee xaruunta gobolka Baay.
Ninkan oo magaciisa lagu magacaabo Yonis Warabe Cadde ayaa dadka deegaanka waxa ay u xaqiijiyeen Keydmedia in maleeshiyaadka ku toogteen xaafadda Isha Baydhoba halkaasi oo Ninkan Ganacsadaha ah ku lahaa shirkad korontada dhalisa.
Falkan oo ay si aad ah uga naxeen dadka deggan Guud ahaan magaalada Baydhoba ayaan la ogeyb sababta ka danbaysa in Kooxda Al-shabab ay dil u geestaan mid kamid ah dadka ugu caansan magaalada Baydhoba.
Dhinaca kale Wararkii ugu danbeeyay ayaa waxa ay sheegaya in Al-shabab saakay ay ka baxeen magaalada Baydhoba, taasi oo ka dhigaysa magaaladii labaad oo muddo ka yar 24-saac ay ka baxaan, iyadoo xalay laga saaray Degmada Bardaale isla Gobolka Bay.
Ciidamo isgarabsanaya oo isagu jira Amxaaro,TFG iyo Ahlu sunna ayaa ku sii jeeda Goobaha ay xoogga ku haystaan Kooxda Al-shabab ee Gobolada Baay iyo Bakool ee koonfurta Dalka Soomaaliya.
Maleeshiyaadka Al-shabab ee laga saaray Degmadda Bardale ayaa hadda waxa ay ku suganyihiin sida la sheegay deegaanka Awdiinle oo qiyaastii 5-Km u jira deegaankaasi.
Keydmedia.net- Xafiiska Muqdisho
More News
- Kooxda Shabaab oo Duqeyn ku Bur buriyay Ceelkii Biyaha ee Garbahaareey
- Somali ku dhibaataysan Xabsiyo ku yaalla dalka Ukraine
- Suuqa Ganacsiga magaalada Gaalkacyo oo xiran
- Horjoogiyaal Al Shabaab ah oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay Galgaduud
- Dagaal Khasaaro dhaliyay oo ka dhacay Muqdisho
Share this page
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.