Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Tuesday 20 March 2012 08:09

Al Shabaab oo la wareegeen Dhuusamreeb

Muqdisho (Keydmedia) - Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab / Al Qaacida ayaa la wareegay Saakay Degmada Dhuusamreeb ee Gobolka galgaduud.

Teaser Image Al Shabaab oo la wareegeen Dhuusamreeb

Wararka ka imaanaya Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay ay la wareegeen maleeshiyaadka qaacidadada Soomaaliya halkaas oo ay markii hore ka tallin jireen Ciidamada ASWJ, kadib dagaal xooggan oo qasaare geystay oo ku dhexmaray shabab iyo Sunna waljamaaca.

illaa iyo haatan lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka ay shabab kula wareegeen dhuusamareeb.

Dadka Deegaanka ayaa ku waabariistay saakay iyadoo ay magaallada gacanta ku hayaan Alshabaab lagana saaray ASWJ.

Inkastoo dadkuna ay si aad ah uga careysayihiin soo gelitaanka Shabaab ee Dhuusamareeb ayaa hadana waxaa Kooxda Shabaab looga bartay inay cadaadiyaan dadka ku nool meelaha ay xoogga ku haystaan.

Alshebabab ayaa horay loogala wareegay dhowr fariisin oo ay ku lahaayeen qaar kamid ah Gobollada dalka iyadoo arintaaninan ay u muuqata welwel soo foodsaaray dadka ku nool dhuuusamareen sida ay xaqiijiyeen dad muddo dheer deganaa Dhuusamareeb.

Qaar kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaanno Magaalada dhuusamareeb iyo dadweyne farabadan ayaa isaga barakacay Magaaladaasi kadib markii ay arkeen in ay magaalada qabsadeen koox aan diinta shaqo ku laheyn islamarkaasna dileysa cid kasta oo ay u arkaan inay afkaartooda kasoo horjeeddo.

Keydmedia.net - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top