Kooxda Shabaab oo Weerar ku Qaaday Magaalada Baydhabo
Kismaayo (Keydmedia) - Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaayo dagaal sacado badan socday oo xalay ay Maleeshiyaad ka tirsan Al shabaa ay ku qaadeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobbolka Bay, ayadoona saraakii u hadashay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay guullo ka sheegteen Dagaalka.
Weerarkaan oo ay Shabaabku qaadeen ayaa waxaa uu xoogiisu ka dhacay meesha loo yaqaan Suuqa Balka, waxaana halkaasi ku dagaalamay Ciidamada Dawladda iyo shabaabka oo weerarka soo qaaday.
Aadan Biid oo ah Taliyaha Booliska magaalada Baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii ay habeenimadii xalay Maleeshiyaadka Shabaabka kusoo qaadeen magaalada Baydhabo ay fashiliyeen Ciidamada Dawladda gaar ahaana kuwa Booliska sida uu sheegay Mr Aadan Biid.
Mr Biid waxaa uu sidoo kale xusay in dagaalka ay Shabaabka soo qaadeen ay ku dileen saraakiil Shabaab ka tirsan isalamrkaana ay ku qab qabteen tiro kale oo Maleeshiyada Shabaab ka tirsan kuwaasoo uu sheegay inay hadda gacanta ku hayaan.
Kooxda Shabaabka wali faah faahin kama aysan bixinin dagaalkii xalay ay ku daaqay magaalada Baydhaba.
Maleeshiyaadka weerarada ugu badan iyo qaska ka wada magaalada Baydhaba waa Maleeshiyaadka ka soo jeeda beesha Raxanweyn ee uu hogaamiyaha u yahay Muqtaar Roobow isagoona dhawaan ku amray in beesha Raxanweyn ay dhulkooda difaacdaan.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.