Kooxda Shabaabka oo Dad Xoolo Dhaqata ah Gaari ku jiiday ilaa ay Dhinteen
Kismaayo (Keydmedia) - Maleeshiyaadka Kooxda Shabaabka ee ku suggan Tuulada Yaaq Bishaaro oo qiyaastii 30KM u jirta magaalada Kismaayo ayaa si arxan dara ah halkaasi ugu laayay dad Xoolo dhaqato Soomaaliyeed.
Deegaanka Yaaq Bishaao waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ka taagnaa iska hor imaad u dhaxeeyay Maleeshiyaadka Shabaabka iyo dad Xoolo dhaqata ah kaasoo salka ku haya markii ay Maleeshiyaadka Shabaabku damceen inay si xoog ah dadka xoolo ugu Dhacaan.
Inta badan dadka ku nool Yaaq Bishaaro ayaa ka soo horjeystay in Maleeshiyaadka Shabaabku ay bilaa macno daro ugu qaataan xoolahooda oo uu kamid yahay Geela oo isagu xoolaha ugu qaalisan.dabdeednay Geela wey gataan.
Afar ka tirsan dadkii ka soo horjeystay go'aanka Maleeshiyaadka Shabaabka ee ah inay si khasab ah ku qaataan Xoolaha dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Shabaabku si naxariis dara ah ugu xireen Gawaari ilaa ay dadkaasi ka geeriyoodaan isla markaana uu jirkooda goo go'o. SHABAAB = AMXAAR.
Qaar ka tirsan dadka deegaanka Yaaq Bishaaro ayaa Keydmedia u xaqiijiyay inay arkeen afar kamid ah dadka deegaanka oo uu jirkooda goo go'ay sidii ay Shabaabku Gawaari ugu jiidayeen.
Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa gabi ahaanba dhacay xoolihii ay iska lahaayeen dadka deegaanka Yaaq Bishaaro.
Ma ahan wax cusub in Maleeshiyaadka arxan laawayaasha Shabaabka ay dhac iyo dhabaatayn ay u geystaan shacabka Soomaaliyeed ee colaada ka daalay.
Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo
Share this page
More News
- Kooxda Axmed Madoobe “Kismaayo Dhiig ayaa ku daadan doona! // Warbixin
- Shirkii Madaxda IGAD // Dowlada oo dhisaysa Maamulka Jubbooyinka - Warbixin
- Qarax Khasaaro badan geestay oo ka dhacay Baydhabo
- Video: Gabaygii Suldaan Bashiir Geele iyo Arinta Kismaayo
- Xasan Sheekh “Al-Shabaab way ka faa’iideesanayaan Arimaha Kismaayo”
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.