Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 25 January 2012 10:16

Kooxda Shabaaka oo Nin Ganacsade ah Qoorta uga jaray Kismaayo

Kismaayo (Keydmedia) - Kooxda arxan lawayaasha ah ee Shabaabka ayaa nin Ganacsade ahaa qoorta ugu jaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobbolka Jubbada Hoose, ayadoona aan ilaa iyo hada aan la ogeyn dambiga uu ninkaasi galabsaday balse waxaa uu qeyb ka yahay dhaqamada foosha xun ee ay ku dhaqmaan Maleeshiyaadka Shabaabka.

Ma cada waxa keenay inay ninkaan Ganacsadaha ah ay sidaan u dilaan laakiin wararka hoose waxaa ay sheegayaan in ninkaan uu dhaqaale iyo taageeraba siinaayay Kooxda Axmed Madoobe uu hogaamiyo ee Raaskaambooni looyaqaano.

Ka hor inta aan la sheecinin dilka arxa darada ah ee Ninkaan  loo geystay ayaa waxa Gurigiisa xili habeen ah ka afduubtay Maleeshiyo ka tirsan Shabaabka Kismaayo, waxaana la aqoon waayay halka ay la aadeen, waxaana ninkaan lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Beenaale.

Ninkaan ay Kismaayo ku Gowraceen  Maleeshiyada Shabaabka ayaa waxaa uu ka mid ahaa Ganacsatada Qaadka keenta magaalada Kismaayo waxaana uu ahaa Ganacsade si weyn looga yaqaano magaalada Kismaayo.

Dhaqanka noocaan oo kale ah waa dhaqanka ay sida weyn ugu caan baxeen kooxda Shabaabka ee dalka dhibaatadda ka wada.

Keydmedia.net , Xafiiska Kismaayo

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top