Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 27 January 2012 10:02

Kooxda shababka oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Qoorta ka Jartay

Moqadishu (Keydmedia) - Sida ay sheegayaan dadka Deegaanka Degmada ee Gobolka Galgadud Bartamaha Soomaaliya, Maleeshiyaadka kooxda Shabab ayaa xalay qoorta uga jaray si arxan darro ah sadex dhalin yaro soomaali ah, kuwaasi oo Meydadkooda saaka ay soo dhigeen fagaaro ku yaala meel u dhow Degmadaasi.

Goobjoogiyaal ayaa sheegaya in labo kamid ah dhalintan ay kooxda Shababka qoorta ka gooyeen ayaa ahaa kuwa dhowaan ka tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya,halka midka kalena la sheegay in uu kamid ahaa dadka deegaanka.

Shabab ayaa ku eedeeyay ragan inay u jaajuusayeen dowlada KMG,waxaana ay ugu caga jugleeyeen dadka deegaanka inay ula dhaqmayaan  sidan oo kale ciddii ay ku helaan falal la xariira Jaajuusnimo.

Ehelada Wiilashan qoorta laga jaray ee lasoo dhigay Saaka deegan hoos yimaada degmada Masagaway oo lagu magacaabo (Labo-xurow) ee gobolka Galgadud ayaa sheegay in loo diiday markii ay tageen goobta inay qaataan Meydadka wiilashooda si ay u aastaan.

Arintan ayaa Walaac xoogan ku abuurtay dhalinyarada ku nool Deeganada ay maamulaan Kooxda Al-shabab, kuwaasi oo kala kulma kooxdan mararka qaar cadaadis iyo amaro ku saabsan inay ka qeyb qaataan dagaalada ay ka hurinayaan dalka.

Keydmedia.net - Muqdisho

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top