Labo Wariye oo looga yeeray Maxkamada Sare ee Soomaaliya
Muqdisho (KON) Labo wariye oo ka mid ah suxfufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta looga yeeray maxkmada sare ee Soomaaliya.
Wariyaasha looyeeray ayaa kala ah Cabbaas Cali oo ah tifaftiraha wargeyska Xog-Doon iyo Maxamed Axmed Siyaad oo ah tifaftiraha wargeyska Xog-Ogaal oo mudo dheer ka soo baxayey magaalada Muqdisho.
Wariyaashaan ayaa waxaa lagu heestaa sawir gacmeed (kartoon) uu qoray Amin amir, oo la sheegay in lagu soo daabacay wargaysyadaan.
Masuuliyiin ka tirsan ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa warbaahinta Keydmedia Online u xaqiijiyay in ay jirto arintaan.
Arintaan ayaa waxay ku soo adaysaa xili uu wali xiranyahay wariye C/casiis C/nuur oo ka mid ahaa suxufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho gaar ahaan Radio Dalsan.
Keyndmedia Online Xafiiska Muqisho
Share this page
More News
- Axmed Sandheere: “Axmed Madoobe Taangi Sawaaxili ayuu saaranyahay”
- Warbixin: Beeraha Deg. Afgooye // Daawo
- Ciidamada Kenya oo Howlgalo ka wada Gaarisa // Sarkaal lagu dilay Magaalada
- Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo doortay Guddoomiye
- Idiris X.Faarax Oo Laga Waraystay Fadeexadii Cunto Karinta Faroole Iyo Wiilkiisa
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.