Lacagta lagu Raaco Gaadiidka BL-kaa oo aan is badalin xili laqaaday Isbaarooyinkii
Moqadisho, (KON) - Iyadoo Dowlada Soomaaliya ay amar ku bixisay in gabi ahaanba la qaado Isbaarooyinkii yaalay Magaalada Muqdisho isla markaana haatan la qaaday dhamaan ayaa arintaasi waxaa ka hadlay wadayaasha Gaadiidka ay raacaan dadweynaha ee ka shaqeeya Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka degweynaha ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin talaabada dowlada ay ku qaaday jidgooyooyinkii yaalay magaalada waxayna sheegeen in ay markii hore dhibaatooyin badan ay ku qabi jireen.
Sidoo kale wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in haatan dhinacooda ay hoos u dhogeen qiimaha lagu raaco gaadiid maadaama meesha laga saaray isbaarooyinkii badnaa ee dhexdaadsanaa magaalada.
Inkastoo ay sidaa ay sheegeen wadayaasha gaadiidka dadweynaha ayaa hadana shacabka magaalada Muqdisho qaarkood waxay sheegayaan in aysan jirin wax badan oo iska badalay lacagaha lagu raaco gaadiidka magaalada Muqdisho.
Caasimada Soomaaliya ayaa horay waxaa u yaalay isbaarooyin badan kuwaasi oo dhibaato ay ku qabi jireen shacabka isla markaana gaadiidka dadweynaha lacago badan looga qaadi jiray.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.