Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo u duulay Turkiga
Moqadisho (KON) - M/weynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay Magaalada Muqdisho ayagoo ku siijeeda Wadanka Turkiga.
Madaxweynaha ayaa wafdiigiisa waxaa qayb kahaa wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, wasiirka gaashaandhiga,wasiirka maaliyada, iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulamo gaar ah uu la qaato madaxda dowlada Turkiga islamarkaana uu kala hadlo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood.
Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya iyo waliba madaxda Turkiga ayaa waxay kawada hadli doonaan mashruucyada badan ee dowlada wadanka Turkiga ay ka wado Soomaaliya iyo waliba arimo kale.
Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan wasiirka arimaha dibada Soomaaliya oo saxaafada kula hadashay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in casuumaad rasmi ah ay ka heleen dowlada Turkiga.Waa safarkii ugu horeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago wadanka Turkiga tan iyo markii lagu doortay magaalada Muqdisho bixii September ee sanadkaan.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.