Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Wednesday 22 February 2012 10:15

Ma Dhabaa in ey Xiriir leeyihiin Madaxii Shirkadii Barakaat iyo Al-Qaacida/Shabaab?

Sheekh Axmed-nuur Cali Jimcaale, madixii shirkadaha Al-Barakaat ayaa lagu eedeeyey inuu taageero dhaqaale siiyo Maleeshiyaadka kooxda Shababka ee Somalia, waxaana warbixin loo gudbiyay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 17-kii Bishaan ay qaraar ka soo saareen ay xanibaado ku soo rogeen ganacsatadahaan.

Sheekha oo horay ugu jiray liiska dadka taakuuleeya argagixisada, lagana saaray bishan 17keedii, ayaa haddana mar kale lagu daray liiska taageera Al-Shababka Somalia, waxana lagu soo rogay xanibaado dhinaca socdaalka, waxaana lagu eedeeyay inuu xiriir dhow uu la leeyahay Horjooge Xasan Daahir Aweys iyo Mukhtaar Roobow Cali, sidoo kale inuu zakawaad u uruurin jiray Kooxda Shababka, Gudigaan ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxii Barakaat inuu adeegii Zaad uu lacago badan ugu gudbiyay inkastoo Adeegaasi howlihii uu waday ay joojiyeen Horjoogayaasha Shababka.

Golaha Amanaka QM ayaa guddigooda u qaabilsan la socodka cunaqabateenta saaran dalalka Ereteria iyo Soomaaliya ayaa qaraar ay soo saareyn dhawaan waxa ay ku dareen liiska shaqsiyaadka laga xanibay dhaqaalaha iyo safarada dibadda madixii shirkada Al-Barkaat Sheekh Axmed Nuur Jimcaale kaa oo lagu eedeeyay in uu dhaqaale iyo hub uu ku caawiyo kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Sheekha oo ku sugan dalka Djibuti ayaa horay ugu jiray liiska dadka gacansiiya argagixisada, laakin baaritaano ka dib laga saaray bishan Febaruar 17-dii, ayaa haddana mar kale lagu daray liiska taageera Al-Shababka Somalia, waxana lagu soo rogay xanibaado dhinaca socdaalka.

Markii ay arrintaas soo baxday ayaa waxa Sheekha wareestay Idaacadda VOA-da laanteeda Af-Soomaaliga wuxuuna sheegay 11-sano oo xayiraad ay saarneed isaga sarkaal kale oo ka tirsan shirkada Barkaat ay hadda soo dhamaatay markii baaritaan lagu sameeyay in ay xiriir la lee yihiin Al-Shabaab iyo Al-Qaacida.

“Waxa aan rabaa in aan gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed, dhamaan Ganacsatda iyo Dowladda in nalaga saaray liiska argagixisada oo anniga iyo sarkaal kale oo ka tirsan Shirkada Barakaat nala saaray muddo 11-sano, waa iilaah mahadiis, waxana ay ku timid markii baaritaan ay sameeyeen heye’addo caalami ah oo madax banaan.

“Waxa aan rabaa in aan umahadceliyo dhamaan shaqisiyaadkii ka qeyb qaatay in xayiraada la iga qaado sida xafiiska UN-ka ee UNPERSON kaa oo qabtay wax badan sanadkii 2011-ka” ayuu yiri Axmed Nuur Jimcaale.

Mar la weydiiyay sida uu arko qaraarkan ka soo baxay golaha amaanka QM ee ku aadan in uu taageero Al-Shabaab ayaa waxa uu yiri:

”Waan la yaabanahay arrintaas maxaa yeelay anniga hadda ayaa la iga qaaday xayiraada, kooxdan waa koox la socda xayiraadka hubka ee saaran Al-Qaacida” ayuu yiri Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Gudiga la socodka hubka ayaa sheegay Sheekha in uu xiriir toos ah uu la lahaa Xasan Daahir Aweys iyo Muqtaar Roobow Abuu Mansuur taageero xoggana uu siin jiray Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale sakaad u aruurin jiray Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay ku eedeeyeen kooxdan Madixii Al-Barakaat in sameenta adeega ZAAD lacago loogu uruuriyo Al-Shabaab in kastoo uu beeniyay Sheekha.

Shirkada Al-Barakaat ayaa markii ay dhaceyn weeraradii dalka Maraykanka sanadkii 2001-kaa lagu soo rogay xayiraad dhinaca maaliyada ah,dowladda Maraykanka ayaa ku eedeeysay in ay xiriir la lahaayeen Al-Qaacida.


Xigasho - Wadanka

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top