Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 26 January 2012 07:56

Maamulka Galmudug oo Casumaad rasmi ah ka helay Boqortooyada UK

London (Keydmedia) - Maamulka Galmudug ayaa waxey casumaad rasmi ah ka heshay Dowlada Britishka ee David Cameron kasooqeybgalka Shirka Wadatashida iyo Amniga ee ka dhici doona London.

Shirkaan oo ka dhici doona 23. Bisha Fabraayo 2012 Xarunta Wasaarada Arimaha Dibada ee Dowlada Ingiriiska.

Waxaa kaloo ka soo qeybgali doona Shirka, TFG-da Soomaaliya, Somaliland iyo Maamulka Puntland.

Wali lama oga tirade rasmiga ah ee Shirka ey uga soo qeybgeli doonaan Dowlada kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada aan kor ku soo sheegnay. Waxaase lahelay xog la xariirta Wadamada ka soo qeybgali doona Shirkaan oo kala ah:

Fransiiska, Jarmalka, Goobjoogayaal Talyaani ah iyo Goobjoogayaal Dowlada Mareykanka ka socda.

Ra’iisalwaasaraha Britain David Cameron ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqotay dal ka dhacay nidaamka dawladnimo. Taas oo loo fasiran karo in Soomaaliya laga wareejiyo Madaxbanaanida luguna wareejiyo Dowlada Ingiriiska.

Keydmedia.net - Xafiiska London

More News

Share this page

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top