Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Thursday 2 January 2014 13:10

Maamulka Isbitaal Madiina oo ka hadlay Dhaawacyada la keenay

Muqdisho (KON) - Maamulka Isbitaalka Madiina ee Muqdisho ayaa ka hadlay Xaalada Dadkii Xalay ku dhaawacmay Weerarkii lagu qaaday Hotelka Jasiira Place.

Teaser Image Maamulka Isbitaal Madiina oo ka hadlay Dhaawacyada la keenay

Wariyaha Keydmedia Online ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta Tagay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo la geeyey Dadka ugu badan ee Dhaawacyada ay soo gaareen.

Madaxa Caafimaadka ee Isbitaalka Madiina Duniyo Max’ed Cali ayaa Keydmedia Online u sheegtay in Isbitaalka la keenay 38-Ruux, Afar kamid ah ay Meyd ahaayeen, labo kalena Isbitaalka gudihiisa ay ku Geeriyoodeen.

Drs. Duniyo ayaa intaa ku dartay in 32 kale Markii Saddex loo dhigo, Labo ka mid ah Xaaladooda Caafimaad ay aad u liidato, kuwaas oo ay soo gaareen Dhaawacyo Halis ah.

Sidoo kale Labo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Booliska oo Xalay ku Geeriyooday Qarax ayaa Maanta lagu Aasay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Sii hayaha Wasiirka Armaha Gudaha Dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ka qeyb galay Aaska Saraakiisha ayaa falkaasi ku Tilmaamay mid “Bahalnimo” ah Islamarkana ay fuliyeen Dad Cadaw ah.

Xalay ayaa Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab Al-qaa’id waxay Weerar ku soo qaadeen Hotelka Jasiira oo kamid ah Hottelada ugu Caansan Magaalada Muqdisho.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top