Maamulka Puntland oo ka digay faragalin siyaasadeed
Muqdisho (KON) Xili haatan ay ka deegaanada Puntland au ka taagan yihiin muruno siyaasadeed ayaa maamulka Puntland wuxuu ka digay faragalin shisheeye.
Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlay xaalada Puntland ayaa sheegay inay jiraan shaqsiyaad caqabad ku ah amniga deegaanada Puntland.
Wuxuu sheegay in shaqsiyaadkaasi ay ka soo horjeedaan jiritaanka deegaanada iyo waliba maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in aysan ka yeelaynin arintaasi.
Khaliif Ciise Mudan ayaa soo hadal qaaday kooxo uu sheegay inay abaabulayaan bulshada deegaanada Puntland si ay isaga horkeenaan, isla markaana ay ka dhex abuuraan fowdo iyo qala qalaaso sida uu yiri.
Todobada Janaayo ayaa ah mudada ay ugu egtahay Madaxweyne Faroole, waxaana laga cabsi qabaa in wixii ka dambeeya maalintaas ay dhacaan rabshado lagaga soo horjeedo maamulka waqtigiisa dhamaaday.
Keydmeda Online xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Daawo: Weerarkii Xarunta UNDP - Faahfaahin
- Weerar lagu soo qaaday Xarunta UNDP ee Muqdisho // Dhimasho iyo Dhaawac
- Xaalada Kismaayo: Isku Socod La’aan, Goobihii Ganacsiga oo Xiran
- Marin habaabinta Xaqa ee Jubbooyinka // Xaaladaha taagan ee Jubbooyinka
- Maansada: HAL AQOON
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.