Logo of Keydmedia KEYDMEDIA

Did you noticed the English version?

Friday 22 February 2013 07:48

Madax ka socota Turkiga oo imaanaya Muqdisho

Muqdisho (KON) - Raysal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Bekir Bozdag iyo wasiirka horumarka dalkaasi Cevdet Yilmaz ayaa la qorsheynayaa inay booqasho ku yimaadaan maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Teaser Image Madax ka socota Turkiga oo imaanaya Muqdisho

Safarka masuuliyiintaan ka tirsan dowlada Turkiga ayaa waxaa uu qeyb ka yahay safar labo maalin ah oo la doonayo inay ku tagaan dalalka Soomaaliya iyo Sudan.

Masuuliyiintaan ayaa inta ay ku sugan yihiin  magaalada Muqdisho waxaa ay la kulmi doonaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya si ay kala hadlaan arimo kale.

Sidoo kale waxaa qorshahooda ku jiro inay ka qeyb galaan xaflada daah furka masaajido iskuul iyo xarun lagu xanaaneeyo aqoonta oo Turkiga uu ka dhisay dalka Soomaaliya.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho

Share this page

More News

Don’t steal content!

We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.

back to top