Madaxweynaha Soomaaliya oo canbaareeyay Qaraxii ka dhacay Islii
Muqdisho (KON) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa canbaareeyay weerarkii xalay ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nairobi kaasi oo geestay khasaaro badan.
Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid wuxuushnimo ah wuxuuna sheegay in dowlada Soomaaliya ay kaga tacsiyaynayo dowlada Kenya iyo waliba shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu ku eedeeyay Al-Shabaab in ay ka soo horjeedaan taageerada ay siiso shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed sidaasi darteedna ay weeraro ka geesanayaan Kenya.
Hadalkaan ayaa madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka sheegay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu maalmihii ugu danbeeyay ku joogay wadanka Turkiga.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale wuxuu guul ku soo tilmaamay safarkiisa Turkiga iyo kulamada kala duwan uu la soo qaatay madaxda madaxda wadanka Turkiga sida Raysal wasaaraha iyo madaxweynaha wadankaasi.
Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho
Share this page
More News
- Idiris X.Faarax Oo Laga Waraystay Fadeexadii Cunto Karinta Faroole Iyo Wiilkiisa
- Mooshinkii looga soo horjeeday Xukumada oo la joojiyay
- R/wasaare Saacid oo qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika
- Midowga Yurub oo bixinaya Malaayiin Dollar oo lagu dagaalo Burcad-badeeda
- Kulan looga soo horjeeday Faroole oo ka dhacay G/Bari
Don’t steal content!
We worked realy hard to realize this website. We put a lot of money in this project. It wouldn’t be fair if you take profit of our investments. If you like this article share it on Facebook, Twitter, mail your friends or set a link on your website. But please don’t copy the article without permission.
Thanks.